Sergio Ramos Oo Kashifay Qaabkii Uu Lionel Messi Real Madrid Uga Hor Istaagay Ku Guulaysiga Koobab Badan.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa sheeay in ay Real Madrid Koobab Badan ku guulaysan lahayd koobab ka badan kuwa ay haatan ku guulaysteen hadii uuna Lionel Messi u ciyaari lahayn kooxda Barcelona.

Sergio Ramos ayaa Real Madrid kula guulaystay 4 champions League iyo 5 La Liga laakiin koobabkaas ayaa ah qayb koobabka Horyaalka ee uu Ramos kula guulaystay kooxda real Madrid.

“Waan ku dhibaatoonay Ka Hor Tagista Lionel Messi”ayuu Ramos yidhi.

“Waxa laga yaabaa hadii uuna U Ciyaarin Barcelona in ay Real Madrid ku guulaysan lahayd koobab ka badan kuwa ay haatan ku guulaystay”.

“Waxa aan wajahnay Barcelona markii ay ugu fiicnayd taariikhdeeda waxana aan haysanay tababarayaal fiican sida Jose Mourinho laakiin way adkayd in aa ka badino”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm.com

SHARE