Hadalkii Uu Granit Xhaka Ku Yidhi Daafacyada Arsenal Kadib bar-barihii ay la galeen Slavia Prague Oo La Ogaaday.

Niyad jabka ayaa ka muuqday xiddigaha Arsenal kadib goolkii wakhtiga dambe ahaa ee ay kooxda Slavia Prague ka dhalisay Gunners kana dhigay ciyaarta bar-baro 1/1 ah.

Gunners ayaa lumisay fursado badan oo ay goolal uga dhalin kartay kooxda Slavia Prague Iyaga oo xiddigaha Alexandre Lacazette, Bukayo Saka & Pierre-Emerick Aubameyang dhamaantood khasaariyeen fursado fiican.

Xiddiga Nicolas Pepe ayaa dhaliyay goolka daqiiqadii 86-aad ee ciyaarta waxana daqiiqado yar ka xigay in ay guul ka gaadhaan kulanka lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka Europa League xilli ciyaareedka.

Laakiin Arsenal ayaa daqiiqadii ugu dambaysay laga dhaliyay goolka bar-baraha taas oo la macno ah in ay koxoda Slavia Prague Ku soo baxdo bar-baro 0/0 ah kulanka xiga.

Goolka laga dhaliyay xiddigaha Arsenal daafaca uga ciyaara ayaa sabab u ahaa marka loo eego in ay kubada ku haysteen difaacooda ka hor inta ayna koorne u saarin kubada.

Xilli ay xiddigaha Daafaca uga ciyaara Arsenal koorne u saareen kubada waxa la maqlay xiddiga Granit Xhaka oo si cadho leh ula hadlaya xiddigaha daafaca uga ciyaara Arsenal.

“Kaliya Kubada fogee Niyow”ayuu Granit Xhaka ku yidhi xiddigaha daafaca uga ciyaara Arsenal ka hor inta aan goolka laga dhalin Gunners.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE