Hordhac: Man City Vs Leeds United: Leeds Oo City Ku Dhigtay Rikoodh Ayna Koox Kale Oo Premeir Leageu Ah Ku Dhigin.

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda Leeds United kulan ka tirsan todobaadkii 31-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Etihad Stadium.

Kooxda Man City ayaa kulanka u soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay gaadhaan guul kale oo ay talaabo ugu qaadaan ku guulaysiga horyaalka premeir League xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale kooxda Leeds United ayaa kulanka soo gali doonta iyaga oo isha ku haya in ayna kulankii 2-aad oo xidhiidh ah guuldaro kala kulmin Man City..

Kulanka: Man City Vs Leeds United

Tartanka: Premeir League

Wakhtiga: 2:30

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Man City ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Premier League kula ciyaartay garoonkeeda Leeds United kaas oo dhacay bishii January 2001.

City ayaan laga badinin 41kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay kula ciyaareen garoonka Etihad Stadium kooxaha soo dalacay iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ahayd mid 2/0 ah oo ay kala kulmeen Reading bishii February sanadkii 2007.

Leeds United ayaa 52% kubada haystay kulankii ay bar-baraha 1/1 ah la galeen Man City bilowgii xilli ciyaareedkan ma jiro koox sidaas ku samaysay tababare Pep Guardiola premier League.

42 dhibcood ee ay ka heshay 30-ka kulan premier League ayaa ah rikoodhkooda ugu fiican tan ilaa 2001/2002 markaas oo ay heleen 51 dhibcood kuna dhamaysteen kaalinta 5-aad.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE