Hordhac: Real Madrid Vs Barcelona: Real Oo Isha Ku Haysa In Ay Barca Ku Dhigto Rikoodh Ay Ku Dhigtay 13 Sano Ka Hor.

Kulanka ugu xiisaha Badan Horyaalka La Liga ayaa ka dhici doona garoonka Alfredo di stefano kaas oo dhexmari doona kooxaha ugu tunka weyn horyaalka La Liga ee Real Madrid iyo Barcelona.

Rela waxa ay kulankaas galayaan iyaga oo ku jira booska sedexaad ee kala sareynta iyaga oo leh 63 dhibic halka Barcelona oo hal dhibic ka hooseysa waliba 65 dhibic leh ay ku jiraan booska labaad.

Kulankaan xiiso gaar ah ayuu leeyahay marka loo eego loolanka Ligaha iyaga oo aan dhibco badan kala saareyn Waliba ayna dhibcaha kulanku u qaybsamin labada kooxood.

Kulanka: Real Madrid Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Alfredo di stefano

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan ay ka hor tagtay kooxda Barcelona, markii ugu dambaysay ee ay Los Blancos badisay 3 kulan oo xidhiidh ah waxa ay ahayd 1978 markaas oo badiyeen dhaman horyaalka La Liga.

Kadib markii ay guul 3/1 ah ku garaaceen Barcelona kulankii qaybta hore ee xilli ciyaareedka Real Madrid ayaa doonaysa in ay Barcelona ka badiso 2 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareed kaliya markii ugu horaysay tan ilaa 2007/2008.

Barcelona ayaa badisay 5 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida u noqotay Real Madrid tartamada oo dhan inkasta oo ay guuldaro la kulmeen kulan ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga bishii March 2020.

Kooxda Real Madrid ayaa guuldar la kulantay kaliya hal kulan 19-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga waxana ay guuldaro 2/1 ah kala kulmeen Levante bishii January ee sanadkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE