Juventus Oo Hishiis Weydaarsi Ku Fasaxeysa Paulo Dybala, Kooxdee Ayuu Aadayaa?

Juventus ayaan weli la meel dhiggin xiddigooda Paulo Dybala in uu saxiixo hishiis cusub oo uu kooxda ku sii joogayo.

Hishiiska wiilkaas reer Argentina ee Juve waxaa ka hasran kaliya hal sano waxa uuna macalin Pirlo tilmaamay in uu haminayo in laacibkaas uu soo joogo kooxda.

Wargeyska La Stampa ee Italy ayaa haatan qoraya in Juvetus ay ka fikarayaan in hishiis is weydaarsi la galaan PSG iyadoo dhankooda ay doonayaan Mauro Icardi

Laacibka iyo Juve ayaa isu mari weysan hanaanka hishiis cusub taasi oo keeneysa in Juve ka fikaraan in ay fasaxaan waxa ayna marwada duqoowday haddii PSG is fahmi waayaan ku doonayaan Dybala 50 milyan oo gini .

Mauro Icardi muddo ayuu bartilmaameed u ahaa Juve waliba markii uu joogay Inter Milan waxa ayna Juve haatan ka carareysaa in qaab xor ah ku waayaan wiilka reer Argetina

Waxaa xusid mudan in Paulo Dybala uu xiiso weyn ka haysto horyaalka Ingiriiska waxaana wada doonaya kooxaha Tottenham iyo Chelsea


Source: laacibfm.com

SHARE