Man United Oo Donny van de Beek U Adeegsanaysa Soo Xero Galinta Xiddig Juventus U Ciyaara.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso in ay Juventus u soo bandhigto heshiis isku badalasho ah iyaga oo diyaar ula ah saxiixa xiddiga Donny van de Beek si ay dhankooda u helaan xiddiga Adrien Rabiot.

Xiddiga reer Holland ee Donny van de Beek ayaa ku dhibaatooday Man United isaga oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda xilli ciyaareedkan.

Kooxda Juventus ayaa ka mid ahayd kooxihii doonayay saxiixa xiddiga Donny van de Beek ka hor intii uuna ku soo biirin kooxda Man United suuqii xagaaii.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay Man United diyaar u tahay in ay Juventus u soo bandhigto saxiixa xiddiga Van de Beek si ay badalkiisa u hesho saxiixa xiddiga Rabiot.

Man United ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Rabiot ka hor intii uuna sida xorta ah ugu biirin kooxda Juventus xagaagii 2019 markii uu dhacay heshiiskiisii kooxda Juventus.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayay wali kaga dhagantahay in uu helo saxiixa xiddiga isaga oo doonaya in uu la shaqeeyo xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE