Tababaraha Man United ee Ole Gunner ayaa hoosta ka xariiqay in inkastoo guul ka soo gaareen Granada hadana aysan u aheyn kooxdiisa habeen wacan .
United ayaa kooxdaas reer Spain ku soo garaacday laba gool oo nadiif ah waxa ayna wada ciyaarayeen lugta koowaad ee wareegga Quater Finalka tartanka Europa League .
BT Sport ayuu Ole Gunner ka yiri ” habeen wacan inooma aheyn , sedex kaar digniin ayaan qaadanay halka sedex ciyaartooy naga ganaaxan yihiin kuwaas oo Shaw , Scott McTominay iyo Harry Maguire”.
” Guushaas labada gool dhanka kale waa natiijo wacan waa aynu ogeyn in ay adag tahay in lagu soo badiyo Spain , in aan natiijo wax ku ool ah la soo laabano qasab ayay nagu aheyd”.
” Rashford iyo Bruno caadi ma aheyn , Rashford bahal ayuu ahaa si la yaab leh ayuu kubadda u qaatay , Bruno waan ugu kalsoonahay laadida rigoorada inkastoo goolhayaha Granada ku sigtay in uu qabto”.
” Si waliba oo ahaato waxaan dooneynaa in aan wadada guulaha sii hayno , xiddigaha United maalinta maalinta ka dambeysa hor mar ayay sii sameynayaan” ayuu sii raaciyay Ole Gunner
Source: laacibfm.com