RASMI: Ronald Koeman Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Real Madrid & Xiddigo Muhiim Ah Oo Soo Laabtay.

Tababaraha Kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Real Madrid kulanka El Clasico ee dhici doona Sabtida kana tirsan horyaalka La Liga.

Koeman ayaa soo xushay dhamaan xidigaha taamka u ah kulanka isaga oo Liiska dib ugu soo daray labada xiddi ee Piqué & Sergi Roberto kadib markii ay ka soo kabsadeen dhaawac ay kaga maqnaayeen kulamadii ugu dambeeyay.

Labada xiddig ee kaliya ee ka maqan Kulanka ayaa ah xiddigaha Ansu fati iyo Philippe Coutinho oo dhaawac ku seegaya kulanka maadama ayna wali ka soo kabsan dhaawac ay ku maqnaayeen muddo dheer.

Koeman ayaa soo xushay 23 xiddig kuwaas oo uu ka soo xulan doono 18-ka xiddig ee uu kaga qayb gali doono kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda ay la xafiiltamaan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha Koeman u soo xushay kulanka:

Image

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE