Real Madrid Mise Barcelona? Madaxweynaha La Liga Oo Saadaaliyay Kulanka El Clasico

Madaxweynaha xidhiidhka La Liga ee Javier Tebas aya saadaaliyay Natiijada kulanka adag ee El Clasico ee dhexmari doona kooxaha Real Madrid iyo Barcelona Sabtida kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Labada kooxood ayaa kulanka u soo galay sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen kulanka si ay kooxda Atletico Madrid ugu cidhiidhiyaan hogaanka horyaalka La Liga ka hor 8 kulan dhamaadka xilli ciyaareedka.

Javier Tebas oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan saadaalinayaa in uu kulanka El Clasico ku dhamaado bar-baro waliba labada kooxood kala qaybsadaan dhibcaha”.

“Sababta oo ah labada kooxoood midna ma doonayso in ay guuldaro kala kulmaan kulanka sidaas darteed in ay koox walba hal dhibic hesho kulanka waxa ay noqon doontaa mid ay raali ku yihiin”.

“Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona aad ayay uga fogaayeen u tartamista horyaalka xilli ciyaareedkan laakiin guuldarooyinkii Atletico Madrid ayaa dib u shiday horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE