Real Madrid Vs Barcelona: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulankooda

Kulanka ugu xiisaha Badan Kubada Cagta ee El Clasico ayaa dhici doona todobaadkan iyada oo ay isaga hor iman doonaan Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kulan ka tirsan horyaalka La LiGA.

Kulanka labada kooxood dhexmari doona ayaa leh xiiso gaar ah marka loo eego in ay labadooduba ku tartamayaan kaalinta 1-aad oo uuna midkoodna haatan ku jirin.

Labada Kooxood ayaa ah kuwa ugu awooda badan Spain maadama ay koobabka ugu badan ku guulaysteen horyaalka La Liga sanadihii ugu dambeeyay.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo cajiib ah waliba mid walba qaab ciyaareed cajiib ah ku jiro xilli ciyaareedkan kooxdoodana caawiya.

Shabakada Sports Mole ayaa soo saartay Shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda adag ee El Clasico ee ka dhici doona garoonka Alfredo di stefano.

Kooxda Real Madrid ayaa shaxda isku dhafka ah ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig halka ay Barcelona ku leedahay 5 xiddig.

Combined XI: RMA vs. BAR

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE