Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Europa League Oo La Soo Saaray.

Shabakada WhoScored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka Europa leagau kadib markii la ciyaaray kulamadii lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka khamiistii xalay ahayd.

Kooxo ayaa gaadhay guulo muhiim ah ka hor lugta 1-aad halka kooxo kale laga badiyay ama bar-baro lagu qabtay kulamadii xalay ee lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka.

Kooxaha Man United, As Roma iyo Villarreal ayaa dhamaantood guulo muhiim ah gaadhay ka hor inta ayna aadin lugta 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka Europa League.

Laakiin kooxda Arsenal ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Slavia prague kulan ay ku ciyaarayeen garoonkooda Emirates.

Shaxda waxa xiddigaha ugu badan ku leh kooxda Villarreal kuwaas oo ku leh 4 xiddig halka ay kooxda Man United ku leedahay 3 xiddig shaxda ugu fiican todobaadka.

Kooxda Roma ayaa dhankooda 2 xiddig ku leh halka koxaha Arsenal iyo Ajax min hal xiddig ku yeesheen shaxda ugu fiican todobaadka.

Image

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE