Xiddig Man United U Ciyaara Oo Ka Sii Socda Old Trafford, Koox Cusub Ayuu Heshiis La Gaadhay.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Edinson Cavani ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu ku biiro kooxda reer Argentine ee Boca Juniors sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Uruguay ee Edinson Cavani ayaa Man United xagaagii ugu soo biiray qaab xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda PSG isaga oo qalinka ku duugay heshiis hal sano ah.

Laakiin Man United ayaa doonaysay in ay ugu yaraan hal sano oo kale ka saxiixato xiddiga si uu u sii joogo kooxda xilli ciyaareedka dambe laakiin xiddiga ayaan ku faraxsanayn kooxda Man United.

Cavani ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda reer Argentine ee Boca Juniors.

Wargayska Express Sport ayaa sheegaya in uu xiddiga Edinson Cavani heshiis shaqsi ah la gaadhay kooxda Boca Juniors isaga oo ku biiri doona dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskisia Man United.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE