Arsenal Oo Isha Ku Haysa In Ay Soo Afjarto Rikoodh Xun Oo Ay Muddo 28 Sano Ah Ku Leedahay Garoonka Sheffield Unitd Ee Bramall Lane.

Kooxda Arsenal ayaa isha ku haysa in ay ka baxdo rikoodh xun oo ay ku leedahay magaalada Sheffield marka ay marti u noqon doonto kooxda Sheffield United kulan ka dhici doona garoonka Bramall Lane.

Markii ugu dambaysay ee ay Arsenal guul ka gaadho magaalada Sheffield waxa ay ahayd bishii August sanadkii 1993 markaas oo ay ka badiyeen kooxda Sheffield Wednesday.

Kooxda Mikel Arteta ayaa si aad ah ugu baahan dhibcaha kulanka Sheffield United si ay ugu soo baxaan tartanka Europa League xilli ciyaareedka dambe maadama ay haatan dhibco badan ka dambeeyaan.

Kooxda Arsenal ayaa magaalada Sheffield booqatay 9 kulan waxana ay kala yimaadeen 3 bar-baro iyo 6 guuldaro sanadihii ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa


Source: laacibfm.com

SHARE