Carles Puyol & Raul Gonzalez Oo Saadaaliyay Kulanka El Clasico Ee Caawa.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa sugaya kulanka adag ee El Clasico kaas oo caawa dhexmari doona kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kulan ka tirsan todobaadkii 30-aad ee horyaalka La Liga.

Kulankan ayaa muhiim u ah labada kooxoodba sababta oo ah Barcelona ayaa doonaysa in ay hogaanka kala wareegto Atletico Madrid halka ay Real Madrid doonayso in ay kooxda ay jaarka yihiin la qabtaan hogaanka.

Halyeeyda labada kooxood ee Carles Puyol & Raul Gonzalez ayaa fikirkooda ka dhiibtay natiijada kulanka caawa iyada oo labada xiddigba ogyihiin muhiimada kulanka maadama ay hora u soo ciyaareen.

Carles Puyol oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Waxa waajib ah in aan helno 3-da dhibcood, waan ogahay in uu kulanku noqon doono mid ah waliba tahay kulan muhiim ah”.

“Laakiin Barcelona Ayaa kulanka Kala bixi doonta guul lagu qanoso waanan aaminsanahay in ay sidaas samayn doonaa”ayuu sii raaciyay.

Raul Gonzalez oo dhankiisa arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in uu noqon doono kulan fiican sababta oo ah labada kooxoodba waxa ay ku jiraan qaab ciyaareed fiican, waxa aan ku kalsoonahay in ay Real Madrid heli doonto 3-da dhibcood ee kulanka”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa


Source: laacibfm.com

SHARE