Chelsea Oo Xasuuqday Crystal Palace Kuna Soo Laabatay Wadada Guulaha Premier League.

Kooxda chelsea ayaa xasuuqday kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay Selhurst Park kana tirsanaa horyaalka premeir League xilli ay Blues ku soo laabatay wadada guulaha.

Qaybta Hore:

Kooxda Chelsea ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay goolal wakhti hore ah dhaliyaan si ay ciyaartu dhankooda u noqoto.

Daqiiqadii 8-aad ayay chelsea heshay wixii ay doonaysay iyaga o uu xiddiga Kai Havertz dhaliyay goolka 1-aad hogaankana u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0 ay Blues ku hogaaminayso ciyaarta.

Blues ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen weerarada aan kala joogsiga lahayn xilli ay Crystal Palace ku jirto khal-khal iyo Naxdin bilowga ciyaarta.

Daqiiqadii 10-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana uu u dhaliyay xiddiga Christian Pulisic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Blues ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Crystal Palace ayaa habaysay daafaceeda iyaga oo bilaabay in ay chelsea ka difaacdaan goolkooda xilli ay wiilasha Thomas Tuchel qaadayaan weeraro waali ah oo aan kala joogsi lahayn.

Daqiqiadii 30-aad ayay chelsea dhalisay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kurt Zouma kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Chelsea ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea si fiican u ciyaartay waliba u qalantay in ay dhaliso goolal intaas ka badan.

Qaybta dambe:

Chelsea ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay qaab dagan iyaga oo ciyaarayay kubad dagan waliba ay maamulayeen ciyaarta marka loo eego in ay ciyaarta dileen qaybtii hore ee ciyaarta.

Daqiiqadii 63-aad ayay Crystal Palace dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Christian Benteke kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Crystal Palace rajo muujisay.

Chelsea ayaa sii waday qaab ciyaareedkeeda fiican iyaga oo sameeyay fursado fiican oo ay goolal ka dhalin karaan ciyaarta laakiin Uma suurtagalin in ay dhaliso fursadahaas.

Daqiiqadii 78-aad ayay chelesea dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Christian Pulisic kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 ay Chelsea ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay cheslea gaadhay guul ay u qalantay dibna ugu soo laabatay wadada guulaha horyaalka premier League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa


Source: laacibfm.com

SHARE