Edinson Cavani Oo Afka Furtay Kana Hadlay Mustaqbalkiisa Man United.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Edinson Cavani ayaa sheegay in uuna wali wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa hadii uu sii joogayo Man United xilli ciyaareed kale ama uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga ayay u badantahay in uuna heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda Man United sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in uu xiddigu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Man United waliba qalinka ku duugo heshiis cusub oo uu ku sii joogo kooxda Man United.

Laakiin Wargayska Daily Mirror ayaa sheegaya in uuna xiddiga reer Uruguay wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa kooxda Man United.

Warkan ayaa imanaya kadib markii ay shalay soo bexeen warar sheegaya in uu Xiddiga Edinson Cavani go’aan la gaadhay kooxda Boca Juniors kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa


Source: laacibfm.com

SHARE