Juventus Oo PSG Hishiis Weydaarsi Ah Ugu Soo Bandhigtay Cristiano Ronaldo, Ayay ka Doonayaan Dhankooda?

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay PSG u soo bandhigtay heshiis Weydaarsi ah oo ay kaga doonayso saxiixa xiddiga da’yarka ah ee Kylian Mbappe  dhankoodana siiyaan xiddiga Cristiano Ronaldo sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Heshiiska Kylian Mbappe ee kooxda PSG ayaa dhici doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedka 2022 ilaa haatana heshiis cusub uma saxiixin kooxda Rreer France.

Dhanka kale Cirstiano Ronaldo ayaa dhankiisa ku dhibaatoonaya Juventus waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda kadib markii ay ku fashilmeen in ay dhaafaan waraag 16-ka champions League xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay Kooxda PSG isku diyaar inayso in ay PSG U Soo bandhigto saxiixa xiddiga Cristiano Ronaldo si ay badalkiisa u hesho xiddiga Kylian Mbappe.

Sidaas darteed Juventus ayaa diyaar u ah in ay Ronaldo siiso Juventus waliba badalkiisa hesho xiddiga Kylian Mbappe kaas oo dhankiisa la filayo in uu isaga tago kooxda PSG xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa


Source: laacibfm.com

SHARE