Liverpool Oo Rikoodh Cajiib Ah Kala Baxday Guushii Aston Villa.

Kooxda Liverpool ayaa ugu dambayn guul ku gaadhay garoonkeeda Anfield kadib markii ay ku fashilmeen in ay guul ku gaadhaan 6 kulan oo xidhiidh ah horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold ayaa Reds ka caawiyay in ay gaadho guul muhiim u ahayd tartankooda 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier Leageu.

Kadib guushaas kooxda Liverpool ayaa rikoodh cajiib ah kala baxday kulanka iyaga oo isku qoray taariikhda tartanka horyaalka premeir League.

Kooxda Liverpool ayaa noqotay kooxdii 4-aad ee taariikhda horyaalka premier League gaadhay 2,000 dhibcood horyaalka sida uu sheegay shabakada caalamiga ah ee Sky Sport.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa


Source: laacibfm.com

SHARE