Liverpool Oo Waqtigii Geerida Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Aston Villa , Alexander-Arnold Ayaa Bad-baadiyay

Liverpool ayaa waqtigi geerida ee dhamaadka ciyaarat waxa ay guul ka gaareen Aston Villa oo ay uga talaabsadeen 2/1 xilli wiilasha Klopp daafac ahaan ay sheegteen kulankaan.

Sheekada labada qeyb : Liverpool iyaga ayaa wacnaa qeybtaas hore balse habka ay u tooganayeen goosha Aston Villa ayaa nasiibka ka fogeyd .

Aston Villa waxa ay ciyaareen kubad kalsooni leh oo daafac ahaan aad ayay u foojignaayeen waxa ayna Liverpool u diideen in sahal ah gooshooda ku tagaan.

Kooxda martida waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah oo ay ku keeneen gool qalad weyn oo dhanka daafaca ah uu ka muuqday waxaana lagu helay wiilasha Klopp daqiiqaddii 43-aad waxaana ka dhaliyay Ollie Watkins .

Liverpool oo aan niyad jab ka qadin goolkaas ayaa heshay gool balse Offside ahaan ayaa loo diiday waxa ayna heerka kubad hayashada Liverpool qeybtaas hore gaareysay %67 .

Qeybta labaad , iyaga ayaa gacan sareeyay waana laga filan karay gool marka la eego cadaadiska ay saarayeen Aston Villa kaasi oo ugu dambeyn uu ku yimid goolka bar bar dhaca.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay daqiiqaddii 57-aad xilli Astion Villa ay ku jireen daafac waxa ayna heerka kubad hayshada wiialsha Klopp kor u dhafeysay %60

Ka dib dhacadadaas Aston Villa isku dayo ayay sameeynayeen illaa daqiiqadii 62-aad gool cajiib noqon lahaa ay kaga dhacday birta shabaqa Liverpool waxa ayan Liveprool badalkooda ugu horeeyay sameeyeen daqiiqadii 70-aad iyaga oo soo giliyay Alcantara oo loo saaray Georginio Wijnaldum

Liverpool si waliba aya u daadaayeen si gool kale u helaan waxa ayan badal labaad ku soo giuliyeen Mane daqiiqadii 75-aad waqtigaas oo loo saaray Firminho waxa ayna heerka kubad hayshada Liverpool gaareysay dhamaadki %68.

Aston Villa dhamaadkii daafac adag ayay xerteen oo Liverpool meel ay kubadda marsiiyaan ayay waayeen waxa ayan Liverpool daqiiqadii 89-aad sameeyeen  badal sedexaad oo ay ku soo giliyeen Xherdan Shaqiri oo loo saaray Ozan Kabak , waxa ayan waqtigii dheeriga heleen goolka guusha oo uu dhaliyay rent Alexander-Arnold waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 2/1

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa


Source: laacibfm.com

SHARE