Paul Scholes Oo Magacaabay Labada Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Saxiixa Erling Haaland.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Paul Scholes ayaa magacaabay labada kooxood ee ugu cad-cad ku guulaysiga saxiixa xiddiga wacdaraha dhigaya ee Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Erling Haaland ayaa si weyn loo hadal hayaa iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya saxiixiisa marka la gaadho suqua kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga reer Norway ayaa dhaliyay 49 gool 51 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan isaga oo Borussia Dortmund ka caawiyay in ay gaadho 8 dhamaadka tartanka champions League.

Paul Scholes ayaa sheegay in ay kooxaha Man United iyo Chelsea Yihiin labada kooxood ee ugu cad-cad ku guulaysiga saxiixa xiddiga reer Norway.

“Waxan u malaynayaa in ay tahay kooxdee awood u leh saxiixiisa waliba bixin karta lacagta lagu heli karo”ayuu Paul Scholes u sheegay BT Sporto.

“Aniga ahaan kooxaha Ma United iyo Chelsea ayaa ah labada kooxood ee ugu cad-cad saxiixa xiddiga marka loo eego in ay awoodaan bixinta lacagta lagu heli karo”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa


Source: laacibfm.com

SHARE