Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid Vs Barcelona: Shaxda Ay Koeman & Zidane U Doorteen Kulanka El Clasico.

Tababarayaasha Real Madrid iyo Barcelona ee Ronald Koeman iyo Zinedine Zidane ayaa soo saaray shaxda ay isaga hor iman doonaan kulanka adag ee El Clasico kana tirsan horyaalka La Liga.

Tababare Zidane ayaa shaxdiisa is badal ku sameeyay isaga oo kaydka dhigay xiddiga Asensio kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray kulaamdii ugu dambeeyay.

Dhanka kale waxa uu weerarkiisa ku wada bilaabay xiddigaha Benzema, & Vinicius isaga oo ku soo galay shax 4-42 ah oo ka duwan shaxdiisii ugu dambaysay.

Dhanka kale Koeman ayaa kaydka dhigay xiddiga Griezmann isaga oo dhankiisa ku ciyaaray 3 daafac ah kuna soo galay shax 3-4-3 ah xilli uu weerarkiisa ka wada ciyaarsiinayo xiddigaha Messi & Dembélé.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka:

Real Madrid: Courtois; Lucas Vázquez, Militao, Nacho, Mendy; Modric, Casemiro, Kross; Valverde, Benzema, Vinicius.

Kaydka: Lunin (p.), Altube (p.), Marceloa, Odriozola, Isco, Asensio, Mariano y Rodrygo

Barcelona: Ter Stegen; Mingueza, Araujo, Lenglet; Dest, De Jong, Busquets, Pedri, Alba; Messi, Dembélé.

Kaydka: Iñaki Peña (p.), Arnau Tenas (p.), Piqué, Umtiti, Junior, Pjanic, Sergi Roberto, Ilaix, Riqui Puig, Braithwaite, Trincao, Griezmann.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa


Source: laacibfm.com

SHARE