“Waxa Ay Ahayd In Aan U Ciyaaro Arsenal”:-Xiddig U Ciyaara Man City Oo Sameeyay Qirasho Weyn.

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Riyad Mahrez ayaa qirtay in hadii ay isaga ku xidhnaan lahayd in uu u ciyaari lahaa kooxda Arsenal.

Riyad Mahrez ayaa shaaca ka qaaday niyad jabkii uu la kulmay markii ay Leicester City u diiday in uu ku biiro kooxda Arsenal xagaagii 2016.

Isaga oo la hadlaya France Football ayuu yidhi”Kadib markii aan ku guulaystay horyaalka waxa aan doonayay in aan koox weyn ku biiro, sheekaduna ma ahaan lahayn sida aatan tahay”.

“Aniga ahaan waxa aan lumiyay 2 sano oo aan u ciyaari lahaa koox heer sare ah,waxa aan lumiyay 2 sano sababta oo ah waxa aan imid Man City aniga oo 27 jir ah halkii aan iman lahaa aniga oo 24 ama 24 jir ah”.

“Leicester City ayaa diiday in aan boxo, waxana ay ii sheegeen in aanan bixi doonin”.

“Wakiilkayga ayaa la hadlay Arsene Wenger kaas oo run ahaantii i doonayay waxana aan ku dhawaaday in aan ku biiro Gunners sanadkii 2016”.

“Hadii ay aniga ahaan lahayd haatan waxa aan u ciyaari lahaa Arsenal”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa


Source: laacibfm.com

SHARE