Arsenal Oo Qorshaynaysa In Ay U Dhaqaaqdo Xiddig Wacdaro Dhigaya Markii Uu Ka Tagay Man United.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Jesse Lingard marka la gaadho suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa Lingard u aragta badalka Martin Odegaard kaas oo uu mustaqbalkiisu shaki ku jiro waliba ay u badantahay in uu ku laaban doono Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in ay uu Mikel Arteta la dhacsan yahay qaab ciyaareedka xiddiga reer England tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Man United.

Lingard ayaa qaab amaah ah uga tagay kooxda Man United waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican tan ilaa markii uu ku biiray kooxda West Ham isaga oo dhaliyay 6 gool oo premier League ah.

West Ham ayaa doonaysa in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga laakiin Lingard ayaa doonaya in uu ku biiro koox weyn oo u tartami karta koobab xilli ciyaareedka dambe.

Sidaas darteed Gunners ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab lacageed oo dhan 30 milyan ka gudbiso saxiixa xiddiga reer England marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.


Source: laacibfm.com

SHARE