Halka Uu Jesse Lingard Ka Gali Karo Shaxda Arsenal Hadii Uu Ku Biiro Xagaaga.

Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jesse Lingard kaas oo amaah ugu jooga kooxda West Ham kadib markii uu ka tagay kooxda Man United suuqii January.

Xiddiga reer England ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda West Ham qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka isaga oo dhaliyay 6 gool sidoo kale caawiye ka noqday 2 kale premier League.

Qaab ciyaareedka xiddiga ayaa soo jiitay kooxda Arsenal iyada oo uu Mikel Arteta u arko mdi wax weyn ku soo kordhin kara kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe hadii uu helo saxiixiisa.

Wargayska Express Sport ayaa soo bandhigay sida ay noqon karto shaxda Arsenal hadii uu Mikel Arteta helo saxiixyada uu doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa suuqa xagaaga.

Waxa Shaxda ku jira laba xiddig oo cusub kuwaas oo ah Achraf Hakimi & Yves Bissouma oo dhankooda lala xidhiidhinayay kooxda Arsenal bilihii ugu dambeeyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.


Source: laacibfm.com

SHARE