Ka Hor Kulanka Liverpool, Real Madrid Oo Xaqiijisay Xilli Ciyaareedka Xiddig Kooxdeeda Ah Oo Soo Dhamaaday.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu dhaawac halis ah jilibka ka soo gaadhay xiddiga Lucas Vázquez kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii El Clasico ee horyaalka La Liga.

Lucas Vázquez ayaa dhaawac uga baxay kulankii El Clasico daqiiqadii 43-aad kadib markii uu xanuun ka dareemay jilibka waxana lagu sameeyay baadhitaanka maanta Oo Axad ah.

Kooxda Real Madrid ayaa haatan xaqiijisay in uu xiddigu ka dhaawacmay jilibka waliba u baahanyahay qaliin lagu sameeyo kadib dhaawaca.

Wargayska MARCA ayaa seegaya in uu xiddiga Lucas Vázquez garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan waliba shaki ku jiro taam ahaanshihiisa Tartanka Euro-da.

Xiddiga Vazquez ayaa qaab ciayareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda Zidane uga ciyaaray boosas badan oo kala duwan xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.


Source: laacibfm.com

SHARE