Maxay Tahay Sababta Aubameyang Uu Ku Seegayo Kulanka Sheffield United. , Yaa Kale Oo Maqan?

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang uusan ka qeyb galeyn kulanka Sheffield United.

Labada koox ayaa wada ciyaaraya kulan ka tirsan wareegga 30-aad ee horyaalka Ingiriiska waxaana lagu kulmayaa garoonka Sheffield United

The Sun ayaa sheegeysa in Arsenal kulankaas ay weynayaan weerarayahankooda Aubameyang

Sababta ayaa lagu sheegay in laacibkaas reer Gabon uu ka sheeganayo xanuun qaboow( koolba aariyo)

Sidoo kale da`yarka Smith ayaa isna kulankaas ku seegaya dhaawac canqawga ah .

Arsenal waxa ay rajeyneysaa in labadaas laacib ay soo kabsadaan ka hor kulanka qamiista ee Slavia Prague ee Europa league


Source: laacibfm.com

SHARE