Ousmane Dembele Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Barcelona

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa shaaca ka qaaday in wadahadalada heshiis kordhinta Barcelona aysan wali bilaaban.

Mustaqbalka xiddiga 23 jirka ah ayuu shaki weyn ku jiraa xilli uu heshiiskiisa haatan ee kooxdu dhici doono xagaaga 2022.

Kooxaha Man United iyo Juventus ayaa xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga reer France kaas oo dhaliyay 10 gool iyo 4 caawin 37 kulan oo uu u ciyaaray Barcelona.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu Dembele diyaar u yahay in uu iska diido dalabyada u imanaya si uu u sii joogo kooxda Barcelona laakiin xiddiga ayaa sheegay in uuna wali wax wadahadalo heshiis kordhin ah la qaadan kooxdiisa.

“Mustaqbalkayga? wali waxa heshiiskayga iiga hadhay hal sano mana jiro wax wadahadalo heshiis kordhin ah oo aan kooxda la furay laakiin waan ku faraxsanahay kooxda”ayuu Dembele yidhi.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.


Source: laacibfm.com

SHARE