Real Madrid Oo Shaki Weyn Ku Tuurtay Mustaqbalka Lionel Messi Ee Barcelona, Qaab Noocee Ah?

Lionel Messi & Barcelona ayaa galay kulankii El Clasico iyaga oo ku jira qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa guul ay ka gaadhi lahaayeen Real Madrid ayaana ka caawin lahayd in ay la wareegaan Hogaanka horyaalka La Liga.

Dhanka shaqsi ahaanta Lionel Messi ayaa ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 19 oo ka mid ah 29 gool oo uu dhaliyay xilli ciyaareedkan 3-dii bilood ee ugu dambeeyay.

Si kasta ha ahaatee guuldaradii Barcelona ka soo gaadhay Real Madrid ayaa shaki ku tuurtay mustaqbalka xiddiga reer Argentine ee kooxda.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan madaxweynaha cusub ee Joan Laporte ayaana balan qaaday in uu heshiis cusub ka saxiixi doono xiddiga hadii uu madaxweyne u noqdo kooxda laakiin waxba kama dhawa arinta.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in guuldaradii kooxda Ka soo gaadhay Real Madrid in ay Messi u muujisay in ayna Barcelona ahayn koox uu kula guulaysan karo koobab sanadaha soo socoda taas oo shaki galinaysa mustaqbalkiisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.


Source: laacibfm.com

SHARE