Real Madrid Oo Ugu Dambayn Ka Hor Martay Barcelona Guulaha Kulamada Tooska Ah Ee El Clasico

Kadib 3 guul oo xidhiidh ah oo ay ka gaadhay El Clasico Real Madrid ayaa ugu dambayn ka hor martay Barcelona dhinaca guulaha kadib markii ay muddo sanado ah ka dambeeyeen kooxda ay xafiiltamaan.

Ka hor intii uuna Zinedine Zidane ku soo laaban kooxda Real Madrid ayaa laba guuldaro oo horyaalka iyo Copa Del Rey-ga ah kala kulantay Barcelona iyaga oo uu hogaaminayay tababare Santiago Solari.

Labadaas guul ayaa la macno ah in ay Barcelona gaadhay 96 guul 243 kulan oo El Clasico ah halka ay Real Madrid lahayd 95 guul.

3 kulan kadib kooxda Real Madrid ayaa haatan El Clasico gaadhay 98 guul halka ay Barcelona wali ku taagantahay 96 guul taas oo la macno ah in ay Los Blancos hogaaminayso guulaha tooska ah ee El Clasico.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.


Source: laacibfm.com

SHARE