Shaxda Laga Yaabo In Ay Arsenal Kaga Hor Tagto Sheffield United, Aubameyang Oo Hogaaminaya Liiska Xiddigo Seegi Doona Kulanka.

Kooxda Arsenal ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Sheffield kulan adag oo horyaalka premier League ah kaas oo ka dhici doona Garoonka Bramall Lane kulan ka tirsan todobaadkii 31-aad ee horyaalka.

Tababare Mikel Arteta ayaa wajahaya shaqo adag kulanka caawa marka loo eego in ay xiddigo badan ka maqnaan doonaan sababo kala duwan darteed waliba seegi doonaan.

Kabtankiisa Aubameyang ayaa hogaaminaya liiska xiddigaha ka maqan kulanka kadib markii uu duray ku dhacay kadib-na baadhitaan loo diray in la ogaado in uuna xanuunka Korona ahayn.

Xiddiga da’yarka ah ee Emile Smith Rowe ayaa sidoo kale seegaya kulanka kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa England taas oo la macno ah in uu seegi doono kulanka.

Liiska xiddigaha seegi doona waxa ka mid ah xiddigaha Kieran Tierney & David Luiz kuwaas oo la xaqiijiyay dhaawacooda sidoo kale xiddiga Martin Odegaard ayuu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa.

Arsenal vs. Sheffield United: Predicted Lineup, Bench & Score - The Short Fuse

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.


Source: laacibfm.com

SHARE