Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United Kaga Hor Tagto Tottenham Kulanka Caawa.

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta caawa kulan ka tirsan todobaadkii 31-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Tottenham Stadium.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaan ka cabanayn wax dhaawacyo ah waxana uu haystaa koox dhamaystiran marka laga reebo dhaawaca Anthony Martial kaas oo maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Goolhaye De Gea ayaa la filayaa in uu kaydka ku laabto kadib markii uu ciyaaray kulankii Europa League iyada oo Dean Henderson ku soo laaban doono Goolka Red Devils.

Dhanka Solskjaer ayaa haysta xiddigo uu ka soo xulan karo shax adag oo uu kaga hor tago kooxda Tottenham xilli uu doonayo in uu ka aar guto Kooxda Jose Mourinho kadib guushii 6/1 ahayd ee ay ka gaadheen kulankoodii ugu horeeyay xilli ciyaareedka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.


Source: laacibfm.com

SHARE