United Oo Guul Ay U Qalantay Ka Soo Gaartay Totenham , Kana Faa`ideystay Qasaarihii Leicester City Iyo Man City

United ayaa ka aar gudatay Tottenham waxa ayna uga soo talaabsadeen 3/1 xilli ciyaarta aheyd mid deg degsiimo leh

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar deg degsiimo leh oo ma jirrin koox si gaar ah cagteeda ay kubadda ugu daaheysay , waxa ayna wada ciyaarayeen kulan ka tirsanaa wareegga 30-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Daafac ahaan labada koox waa ay foojignaayeen xilli United ku wacnaayeen isku balaarinta garoonka iyo in kubadda ay gaarsiiyaan aagga goosha Tottenham .

Tottenham oo kubad bilaa cadaadis ah ciyaareysay ayaa ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celiska ah balse labada koox halis gillin muuqata iskuma aysan sameyn .

Ciyaartooyda United oo boosaska isu bad badalayay ayaa Tottenham ku keenay gool uu dhaliyay Cavani balse waa la diiday sababo la xariira in uu ka sii horeeyay qalad uu Mactomany ku sameeyay Son waxa ayna aheyd daqiiqadii 33-ad

Tottenham ayaa ka faa`idetay masaaxooyin kala fogaansho ah oo ay sameeyen ciyaartooyda United waxa ayna gool kaga dhaliyeen kubad shan baas soo martay waxaan shabaqooda dhigay Son daqiiqadii 40-aad .

Biloowgii qeybta labaad , United kubadaha ay soo gaarsiinayeen aagg goosha Tottenham waa ayna u dhawaanayen gool balse goolhayaha ayaa u diidanaaa

United oo kubad cadaadis ah ciyaareysay ayaa ugu dambeyn heshay goolka bar bar dhaca ka dib kubad uu Cavani uu goolhayaha Tottenham ka bad baadiyay waxaa ku sii celiyay Fred oo shabaqa dhigay daqiiqaddii 57-aad

Ka dib dhacdaas labada koox fursado xaqiiq ahaa waxaa kala bad baadiyay labad goolhaye , Son daqiiqadii 59-aad ayaa gool loo diiday halka Bruno isna loo diiday daqiiqadii 62-aad , waxaase xusid mudan in labada koox goolal laga filan karay .

United si waliba ayay gool u raadisay waa ayna halis gilineysay oo waa ay mudnaayeen marka la eego heer ciyaareedkooda halka Tottenham halis ku ahaayen rogaal celiska waxaana daqiiqadii 72-aad gool laga bad baadiyay Harry kane

Badalkii ugu horeeyay United waxa ay sameeyeen daqiiqaddii 72-aad iyaga oo saaray Rashford oo lagu badalay Greenweood , waxa ayna wiilasha Ole Gunner sameeyeen cadaadis ilaa ay keeneen gool u dhaliyay Cavani daqiiqadii 79-aad waxaana baasay Grenwood

Tottenham si waliba ayay isugu dayo sameeyeen balse United ayaa foogineyd  wax aayan kooxda Ole Gunner dhamadkii waqtioga dheeriga  heleen gool sedexaad waxaana saxiixay Greenwdood

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.


Source: laacibfm.com

SHARE