XASAASI: Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah Oo Wadahalo Rasmi Ah La Bilowday Mohamed Salah Si Ay Ugala Wareegto Liverpool.

Wargayska Téléfoot ayaa qarxiyay lama filaan weyn oo ku saabsan mustaqbalka xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo u muuqda in uu boorsooyinkiisa ka qaadan doono kooxda Liverpool xagaaga.

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo Rasmi ah la furtay Mohamed Salah si ay ugu qanicyaan in ay helaan saxiixiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan suuqa xagaaga.

Mohamed Salah ayaa Liverpool kula jira heshiis dhici doona xagaaga 2023 waxana uu Reds ka noqday xiddig muhiim ah tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii 2017.

PSG ayaa Mohamed Salah u aragta badalka Kylian Mbappe kaas oo diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda waliba doonaay in uu ku biiro kooxda Real Madrid xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska Téléfoot ayaa sheegaya in ay Maamulka PSG wadahadalo Rasmi ah la fureen wakiilka xiddiga waliba wadahaladaas socdeen tan ilaa bishii March ee la soo dhaafay.

PSG ayaa ka shaqaynaysa in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadho xiddiga Mohamed Salah ka hor inta ayna Liverpool la furin wadahalado Rasmi ah oo ay ku doonayso xiddiga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.


Source: laacibfm.com

SHARE