Arsenal Oo Alexandre Lacazette U Adeegsan Karta Dhamaystirka Saxiix Uu Mikel Arteta Doonayo.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dajisay qorshe ay ku heli karto xiddig uu Mikel Arteta doonayo in uu ku xoojiyo daafaca kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Alexander Lacazette u adeegsan doonto sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Barcelona ayaa suuqa ka raadinaysa weeraryahan toos ah waxana ay xitaa xiiso u muujiyeen saxiixa xiddiga Alexander Lacazette intii lagu jiray suuqii January ee la soo dhaafay iyada oo Ronald Koeman doonayay xiddiga reer France si uu ugu buuxiyo booskii uu baneeyay Luis Suarez.

Sidaas darteed wargayska Express Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal damacsantahay in ay heshiis isku badalasho ah la samayso kooxda Barcelona si ay u hesho saxiixa daafaca Umtiti suuqa xagaaga dhankoodana siiyaan xddiga Alexander Lacazette.

Mikel Arteta ayaa Samuel Umtiti u arka xiddig kooxdiisa ku soo kordhin doona wax fiican dhanka daafaca marka loo eego in ay daafacyadiisu sameeyeen khaladaad badan xilli ciyaareedkan lagu jiro.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.


Source: laacibfm.com

SHARE