Barcelona Oo Hogaaminaysa Liiska 10-ka Kooxood Ee Ugu Qiimaha Badan Kubada Cagta.

Waxa la soo saaray 10 kooxood ee ugu qiimaha badan kubada cagta sida ay soo saartay Majalada Forbes kuwaas oo kooxda Barcelona u magacaabay kooxda ugu qiimaha badan kubada cagta wakhti xaadirkan.

Kooxda Barcelona ayaa ku fadhida qiimo lacageed oo dhan 4.76 bilyan iyaga oo sidaas ku noqday kooxda ugu qiimaha badan sida ay soo saartay majalada caanka ah ee Fobres.

Waxa kaalinta 2-aad ku soo baxday kooxda Real Madrid oo dhankooda lagu qiimeeyay 4.75 bilyan iyaga oo aan wax aad u badan ka hoosayn kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.

Waxa kaalinta 3-aad ku jirta kooxda difaacanaysa champions League ee Bayern Munich kuwaas oo ku fadhiya 4.22 bilyan halka ay Man United oo ku jira kaalinta 4-aad lagu qiimeeyay 4.2 bilyan.

Kooxda Liverpool oo kaalinta 5-aad ku soo baxday ayaa ku fadhida 4.1 bilyan iyaga oo aan waxba ka dambayn kooxda ay ku xafiiltamaan Premeir League ee Man United.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Liiska 10-ka kooxood ee ugu qiimaha badan kubada cagta:

Image

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.


Source: laacibfm.com

SHARE