Gary Neville Saadaalin liverpool Ah Ka Hor Kulanka Champions League Ee Ay La Ciyaari Doonaan Real Madrid.

Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville ayaa aaminsan in Liverpool laga reebi doono champions League xilli ciyaareedkan Arbacada marka ay marti galin doonaan kooxda Real madrid.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa looga soo badiyay 3/1 lugtii hore waxana hor taala shaqo adag lugta 2-aad ee kulanka ka dhici doona Anfield.

Kooxda Liverpool ayaa Sabtidii guul ka gaadhay Aston Villa iyaga oo soo nooleeyay rajadooda ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premeir League xilli ciyaareedkan.

Laakiin Neville aya sheegay in ayna Liverpool awood u yeelan doonin in ay Real Madrid guul ka gaadho kana reebto tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

“Liverpool waxa ay heshay natiijo fiican kulankii Aston Villa”ayuu Neville u sheegay Sky Spprt.

“Waxa muhiim ah in ay Liverpool ku dhamaysato 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League”.

“Aniga ahaan waxa aan aaminsanahay in ay ka hadhi doonaan Champions League Arbacada laakiin hadii ay u soo baxaan 4-ta boos ee ugu sareeya waxa ay noqon doontaa natiijo fiican”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.


Source: laacibfm.com

SHARE