Heshiis Dhacay: Man City Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga.

Saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano una shaqeeya shabakada Sky Sport ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxda Man City ku guulaystay saxiixa xiddiga da’yarka ah ee aadka loo qiimeeyo ee Caíque kaas oo ay kala soo saxiixdeen kooxda Fluminense.

Xiddiga 17 jirka ah ee reer Brazil ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Man City kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay si fiicana ugu ciyaaray kooxdiisa.

Xiddiga Caíque ayaa bisha June noqon doona 18 jir taas oo Man City u fuduaynaysa saxiixa xiddiga maadama uu gaadhay da’da uu ugu biiri karo koox ka baxsan dalkiisa Brazil.

Kooxda Man City ayaa dhamaystirka saxiixa xiddiga ka shaqaynaysay tan ilaa bilowgii sanadka waxana la filayaa in uu noqdo saxiixa ugu horeeya ee kooxda Man City suuqa xagaaga.

Man City ayaa xiddiga ka bixin doonta lacag dhan 10 milyan oo halka hore ah iyo 17 milyan oo euro oo gunooyin ah kuna xidhan qaab ciyaareedka xiddiga da’yarka ah.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.


Source: laacibfm.com

SHARE