Jordi Alba & Gerard Pique Oo Isku Khilaafay Fursada Barcelona Ee Ku Guulaysiga Copa Del Rey-ga Kadib Guuldaradii El Clasico.

Xiddigaha Kooxda Barcelona ee Jordi Alba & Gerard Pique Ayaa Isku Khilaafay Fursada Barcelona Ee Ku Guulaysiga Copa Del Rey-ga Kadib Guuldaradii El Clasico.

Xiddiga Jordi Alba ayaa shaki galiyay awooda Barcelona ay ugu guulaysan karto Copa Del Rey-ga sabtida marka ay la ciyaari doonaan kooxda Atletic Bilbao kadib guuldaradii El Clasico ee horyaalka ka soo gaadhay Real Madrid.

Gerard Pique ayaa isku dayay in uu dhiiri galiyo xiddigaha kooxda Barcelona kadib markii ay xiddigaha kooxdu ku soo laabteen Magaalada kadib guuldaradii Real Madrid ee horyaalka La Liga.

Waxa la helay codka sheekadii wada dhex martay xiddigaha Alba iyo Pique ee ku saabsanaa ku guulaysiga Copa Del Rey-ga.

Pqiue ayaa yidhi”Ha wel-welin, waan guulaysan doonaa”.

Pique” Waxa aan ku guulaysan doonaa Copa del Rey-ga shaki la’aan”.

Alba: “ma garaayo in ay dhici dooto”.

Pique: “Maxaad Tidhi”.

Alba: “Ma garanayo in aan ku guulaysan karno Copa Del Rey-ga”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.


Source: laacibfm.com

SHARE