Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah Oo Ku Biirtay Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Gini Wijnaldum

Kooxda Bayern Munich ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Gini Wijnaldum sida ay sheegayaan wararku.

Gini Wijnaldum ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaay saxiixiisa si qaab xor ah ugu helaan.

Wargayska Abendzeitung ayaa sheegaya in ay Kooxda Difaacanaysa champions League ee Bayern Munich in ay doonayso saxiixa xiddiga 30 jirka ah ee reer Holland si ay ugu xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in xitaa wakiilka xiddigu u duulay Munich si uu ula kulmo maamulka kooxda Bayern Munich si uu ugu soo bandhigo heshiiska uu doonayo xiddiga khadka dhexe.

Tababare Hansi Flick ayaa doonaya in uu xiddiga reer Holland ku xoojiyo kooxdiisa kuna buuxiyo booska khadka dhexe ee uu banayn doono xiddiga David Alaba kaas oo kooxda xor uga tagi doona kooxda.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.


Source: laacibfm.com

SHARE