Liverpool Oo Ogaatay Qiimaha Ay Ku Heli Karto Pedri Xilli Barcelona Wadnaha Farta Ku Hayso.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in lagu wargeliyay in Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Pedri lagu heli karo lacag dhan 70 milyan oo euro suuqa xagaagan.

Dhawaan xiddiga reer Spain ayaa bartilmaameed u noqday kooxda Difaacanaysa horyaalka premeir League ee Liverpool kuwaas oo suuqa ugu jira xiddig khadka dhexe ah.

Barcelona ayaa dhankeeda si aad ah u doonaysa in ay sii haysato xiddiga 18 jirka ah ee 44 kulan u ciyaaray kooxda xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee wargayska mirror ayaa sheegaya in Pedri lagu heli karo lacag dhan 70 milyan oo ah lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa taas oo la macno ah in ay Reds heli karto saxiixiisa.

Kooxda Barcelona aya dhankeeda doonaysa in ay heshiis cusub u soo bandhigto xiddiga da’yarka ah waliba kor u qaado lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa laakiin arintaas ma samayn karto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Pedri ee Barcelona ayaa dhici doona xagaaga 2022 taas oo la macno ah in uu hal sano kadib qaab xor ah ua tagi doono hadii uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.


Source: laacibfm.com

SHARE