Mikel Arteta OoKa Warbixiyay Xaalada Bukayo Saka Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga Buakayo Saka kaas oo ku dhaawacmay kulankii ay Arsenal guusha ka gaadhay kooxda Sheffield United kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Sakay ayaa dhaawac uga baxay kulanka qaybta dambe isaga oo dhaawacmay isaga oo aan cidna u dhayn taas oo wal-wal ku ah kooxda Arsenal oo ku jirta wakhti xasaasi u ah kooxda.

Xiddiga 19 jirka ah aya kadib markii la badalay la arkay isaga oo baraf looga xidhayo muruqa bawdada taas oo sidoo kale wal-wal ku ah tababare Mikel Arteta iyo kooxda Arsenal.

Mikel Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Dhaawaca Bukayo Saka waa waxa ugu dambeeyay ee aan doonayna”.

“Laakiin waxa uu u muuqday mid ka dhaawacmay muruqa Bawdada waxana uu dareemay xanuun”ayuu Mikel Arteta sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.


Source: laacibfm.com

SHARE