Miyuu Aubameyang Ciyaaryaa Kulanka Slavia Prague , Macalin Arteta Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Arsenal ee Arteta ayaa ka hadlay xaaladda Aubameyang iyo xiddigo kale oo ku aadan in ay ciyaari karaan iyo in kale kulanka Slavia Prague .

Labada koox ayaa wada ciyaaraya qamiista kulan ka tirsan lugta labaad ee wareega quater finalka Europa League xilli lugtii hore ay ku hishiiyeen bar bar dhac min hal gool ah

Aubameyang ayaa seegay kulankii xalay ee Sheffield United ee wareegga 30-aad ee horyaalka sababo la xariira in laacibka uu ka sheegtay qaboow .

Arteta ayaa wargeyska Metro ka yiri” waxaan rajeynayaa in Aubameyang uu ciyaaro kulankaas , ka hor kulankii xalay xalakiisa ma wacneyn”.

” Ma uusan awoodin in uu tababarka sameeyo balse waxaan rajeynaya in xaalkiia wacnaanayo ka dibna uu diyaar ahaan doono kulankaas”.

Kulankii xalay waxaa kale Arsenal ka maqnaa David Luiz , Martin Odegard iyo Smith sababo la xariira dhaawacyo ay ka sheeganayeen .

Mar wax laga weydiiyay in suura gal ay tahay in Luiz kulanka Slavia Prague helaan wax auu yiri” Luiz waa uu maqnaanayaa balse illaa haatan wax cusub kama hayno xaaladda xiddigaha kale , mana doonayo in aan haa am maya iraahdo” ayuu sii raaciyay macalinka

Xididgiisa kale ee Saka ee isna kulankii xalay ku dareemay xanuun bowdada ah ayuu Arteta yiri” ma ogi saacadaha soo socda ayaan kala ogaaneynaa xaaladiisa”.


Source: laacibfm.com

SHARE