Ole Guuner ” Hal Arin Ayay U Baahan Tahay In Aan Man City Kula Tartanno Horyaalka Xilli Ciyaareedkaan”.

Tababaraha Man United ee Ole Gunner ayaa qiray in Man City kula tartamaan horyaalka xilli ciyaareedkaan ay u baahan tahay mucjos dhacda

City ayaa hogaanka ku haysa 74 dhibic halka United oo booska labaad ku jirta ay leeyihiin 63 dhibic

City kulankoodii ugu dambeeyay horyalaka ee wareegga 30-aad waxa ay la kulmeen guul darro 2/1 ah oo ka qabsatay Leeds halka United iyana xalay ka badiyeen Tottenham oo ay ku garaaceen 3/1

Ole Gunner ayaa wargeyska Metro ka yiri” marka dhan laga eego in City hogaanka lagula tartamo ma aha wax mustaxiil ah balse waxa ay u baahan tahay waqti iyo mucjiso ay dhacdo .
Waxa uu macalinka intaas sii raaciyay ” mararka qaar mucjisooyin waa dhacaan”.

“Waxaan xoogga saareynaa in aan dhibco aruursano inta ka hartay horyaalka waxa ayna taasi muujineysaa in aan ka wacannahay qaabkii aan aheyn xilli ciyaareedkii hore”

Waxa uu Ole Gunner sii yiri” waxaan dooneynaa in ugu yaraan in aan u dhawaanno Man City”


Source: laacibfm.com

SHARE