PSG Oo Wadahadallo Dhaw Kula Jirta Mid Ka Ah Weeraryahanada Liverpool.

Mustaqbalka Mohamed Salah ee Liverpool ayaa waxaa dul saaran calamaad su`aal xilli warar kala duwan tilmaamayaan in laacibka uu baxayo xagaaga .

Haatan warar soo baxay ayaa sheegaya in PSG wadahadalo dhaw in ay kula jiraan wakiilka Salah iyaga oo doonaya in wiilkaas reer Masar helaan xagaaga .

Xilli PSG la xusay in ay ku dhaw yihiin in hishiis cusub oo illaa 2026-ka kooxda ku haynaya ay la gaaraan Neymar halka Mbappe weli xaalkiisa kala cadeyn ayay kooxdaas diiradda saarayaan Salah .

Liverpool oo dhankeeda dooneysa in ay helaan Mbappe oo uu hishiiskiisa PSG dhacayo xagaaga 2022-ka kana meer meeraya in qalinka iyo warqadda is dulsaaro ayaa laga yaabaa in Salah ay qeyb kaga dhigaan qanadaraaska ay ku doonayaan da`yarka reer France .

Wargeyska Telefoot ee France ayaa sheegaya in PG wadahallo furan ay kula jiraan Salah sidoo kalana wakiilkiisana ay si hoose ugala xaajoonayaan suura galnimada ah in hishiiskaas uu dhaco xagaaga .

Waxaa xusid mudan in Salah uu haatan leeayhay 19 gool oo horyaalka ah xilli hishiiskiisa Anfield uu dhacayo xagaaga 2023-ka waxaana sidoo kale saxiixiisa isha ku haysa Real Madrid


Source: laacibfm.com

SHARE