Real Madrid, Barcelona Mise Atletico Madrid? Taageerayaasha La Liga Oo U Codeeyay kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka La Liga Xilli Ciyaareedkan.

Kubada cagta ayaa ah mid ay wax walba isku badali karaan maalmo yar gudohood ama dhawr kulan maadama kubada cagtu tahay mid wax walba laga filan karo waliba ay todobaadyo gudohood wax walba is badali karaan.

Maalmo yar ka hor taageerayaasha kubada cagta Spain ayaa kooxda Barcelona u saadaaliyay in ay ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib markii ay guul ka gaadheen kooxda Real Valladolid.

Laakiin Hal kulan kadib taageerayaasha Spain ayaa badalay saadaashooda iyaga oo kooxda Real Madrid u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka la Liga xilli ciyaareedkan.

Wargayska MARCA ayaa sameeyay codayn ay ka qayb qaateen taageerayaal dhan 1498 kuwaas oo fikirkooda ka dhiibtay kooxda ku guulaysan doonta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

70% Taageerayaasha ayaa kooxda Real Madrid u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyo waliba in ay difaacan doonto horyaalka ay xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay.

25% Taageerayaasha ayaa u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka kooxda Barcelona halka ay kaliya 4% ay taageerayaashu u codeeyeen kooxda Atletico Madrid oo haatan hal dhibic ku hogaaminaysa horyaalka.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.


Source: laacibfm.com

SHARE