Tartanka Horyaalka La Liga Oo Sii Xoogaysanaya & 3-da Kooxood Ee Ugu Sareeya 2 Dhibcood Kala Horeeya.

Kala saraynta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan ayaa sii xoogaysanaysa kadib markii ay Atletico Madrid ku fashilantay in ay guul ka gaadho kooxda Real Betis kulan ka tirsnaa todobaadkii 30-aad ee xilli ciyaareedka.

Bar-Baraha Atletico Madrid ayaa imanaya kadib markii ay Real Madrid garaacday kooxda Barcelona waliba si buuxda ula wareegtay kaalinta 1-aad iyaga oo isku dhibco ahaa Atletico madrid.

Kooxda Atletico Madrid ayaa haatan hal dhibic ku hogaaminaysa horyaalka La Liga iyaga oo ka horeeya kooxda ay jaarka yihiin ee Real Madrid kuwaas oo kaalinta 2-aad ku jira.

Kooxda Barcelona ayaa ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxda Atletico Madrid ee hogaaminaysa horyaalka hal dhibic-na ka dambaysa kooxda Real Madird.

3-da Kooxood ayay haatan u hadhsanyihiin min 8 kulan iyada oo uu xoogaysan doono tartanka horyaalka kulamada ka dhiman xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga.

Image

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.


Source: laacibfm.com

SHARE