Tottenham Oo Dishay Rajada Man United Ee Saxiixa Harry Kane

Kooxda Tottenham ayaa dishay gabi ahaan rajadii ay Man United ka qabtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Harry kane sida ay sheegayaan wararku.

Milkiilaha kooxda Tottenham ee Daniel Levy ayaa lagu soo waramayaa in uu meesha ka saaray suurtagalnimo kasta oo uu xagaaga Harry kane uga iibin doono koox ka ciyaarta horyaalka premier League.

Kane ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Tottenham xagaaga hadii ay kooxdu u soo bixi waydo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Man United ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa Kabtanka xulka qaranka Enland kuwaas oo suuqa u gali doona weeraryahan cusub si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Wargayyska The Athletic ayaa sheegaya in ayna Tottenham ka iibin doonin koox ka ciyaara Premeir League xaalad walba oo dhacda marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ayna Tottenham ogolaan doonin in ay Man United la wareegto Harry Kane xitaa hadii ay diyaar u yihiin dalab lacageed oo dhan 120 milyan oo euro.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.


Source: laacibfm.com

SHARE