XOG: United Miyay Dooneysa Saxiixa Harry Kane, Yaana KuBaacsanaya ?

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa daboolka ka qaadyaa go`aanka United ee ku aadan in xagaagaan la soo hishiiyaan weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane .

Harry Kane ayaa lala xariirinayaa in xagaagaan uu baxayo waxaana kooxaha doonaya ugu xooggan Real Madrid , PSG iyo Man United

The Atletic ayaa soo xiganeysaa in Unted ay mudnaanta koowaad ka dhiganayaan Harry waa haddii ay ku fashilmaan in ay la soo hishiiyaan Haaland

Maamulka United ayaa isha ku haya saxiixa Harry oo ay u arkaan mid wax weyn ku soo kordhin kara afka hore ee kooxda Old Trraford.

Sidaas oo ay tahay United diyaar uma ah in ay bixiyaan lacagta ay dalbaneyso Tottenham kaasi oo gaaraya 120 milyan oo gini

Waxa ayna taasi badlakeeda doonayaan qiimo intaas ka jaban waliba mid ka mid ah xiyaartooyda kooxdooda ku soo daraan hishiikiisa


Source: laacibfm.com

SHARE