Arsenal Oo War Fiican Heshay Ka Hor Kulanka Europa League.

Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka heshay taam ahaanshaha xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Bukayo Saka ka hor kulanka Europa League ee ay khamiista la ciyaari doonaan kooxda Slavia Prague.

Xiddiga Aubameyang ayaa la filayaa in uu ku soo laabto shaxda kooxda kadib markii uu xanuun ku seegay kulankii Axadii ee ay Arsenal 3/0 uga badisay kooxda Sheffield United kulan Premier League ahaa.

Dhanka kale Saka ayaa la qiimeeyay xaaladiisa kadib markii uu dhaawac uga baxay kulankii Sheffield United laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Gunners ku rajo weyntahay in uu ka fogaaday dhaawac halis ah.

Arsenal ayaa sidoo kale rajaynaysa in uu xiddiu taam u noqon doono kulanka adag ee ay khamiista la ciyaari doonaan kooxda Slavia Prague ahna midka ugu muhiimsan xilli ciyaareedka kooxda.

Kaliya labada xiddig ee uu shaki ku jiro taam ahaanshohooda kulanka Slavia ayaa ah xiddigaha Emile Smith Rowe iyo Martin Odegaard kuwaas oo aan xaaladooda ilaa haatan la ogayn.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.


Source: laacibfm.com

SHARE