Hordhac: Chelsea Vs Fc Porto: Blues Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Ay Liverpool Ka Dhigtay Champions League.

Kooxda Chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Fc Porto kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo hal lug iyo badh la gasha wareega xiga ee tartanka kadib markii ay kulankii hore ku garaaceen Porto 2/0.

Blues ayaa doonaysa in ay iska xaadiriso Semi-final-ka waliba sugto midkood kooxaha Liverpool ama Real Madrid midkooda soo badiya Arbacada si ay isugu diyaariso kulankooda.

Kulanka: Chelsea Vs Fc Porto

Tartanka: champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Ramon Sanchez Pizjuan.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa badisay lugta 1-aad ee kulamada bug baxa tartanka Champions League markii 11-aad, iyaga oo wareega xiga u gudbisay 8 ka mid ah 10-kii kulan ee hore ee ay badiyeen iyaga oo kaliya fashilmay Sanadkii 1999/2000 oo ay la ciyaareen Barcelona iyo 2006/2007 oo ay la ciyaareen Liverpool.

Kaliya waxa jira 4 jeer oo hore oo ay kooxda badisa lugta 1-aad ay ka hadhay tartanka champions League waxana ay kala yihiin koxaha Ajax (1995/1996), Inter Milan (2010/2011), PSG (2018/2019) Iyo Ajax (2018/2019).

Chelsea ayaa badisay mid kasta oo ka mid a 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay Spain iyaga oo ka kala badiyay kooxaha Sevilla iyo Spain laakiin waligood ma badin 3 kulankulan.

Chelsea ayaan laga badin wax kulan ah tartanka champions League xilli ciyaareedkan waxana ay noqon kartaa kooxdii ugu horaysay ee England ah ee aan laga badin 10 kulan tan ilaa Liverpool oo aan laga badin 11 kulan xilli ciyaareedkii 2017/2018.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.


Source: laacibfm.com

SHARE